DHEGEYSO:10 qof oo ku dhintay roobabkii xalay ka da’ay Nairobi

0
430

Toban qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Nairobi ka dib daadad xooggan oo xalay ku dhuftay magaalada.
Taliyaha Booliska Nairobi George Seda ayaa sheegay in siddeed ka mid ah dadkii dhintay ay qaadeen daadad si xawli ah u socday, iyadoo qaarkood ay ku dhinteen gawaari ay qaadeen daadad xooggan.
Seda ayaa intaas ku dartay in laba qof oo kale ay ku dhinteen shilal koronto oo kala duwan intii ay daadadku ka socdeen qaybo kala duwan oo ka tirsan caasimadda.
Taliye Seda ayaa ka digay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto iyadoo hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ay ka socdaan dhowr meelood oo ay si xun u saameeyeen daadadka.
Qaar ka mid ah bulshada Nairobi ayaa ka hadlay saameynta uu ku yeeshay fatahaadka.