Wararka warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in rakaabkii ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Israa’iil ee Tel Aviv loo daadgureeyay hoy ka dib markii uu dhawaaqay siiriga digniinaha xili gantaal laga soo riday Iiraan.
Kanaalka 12 ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay bartamaha Israa’iil intii lagu jiray isku daygii lagu doonayay in lagu qabto gantaal soo socda.




