Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an yahay in ay dhallinyarada garab ku siiso wanaajinta xirfadaha iyo hibooyinka ay leeyihiin.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in da’yarta laga caawiyo sidii ay dakhli uga heli lahaayeen hibooyinka iyo hal-abuurkooda.
Tani ayuu tilmaamay inay awoodsiin u noqon karto dhallinyarada si shaqo abuur loogu sameeyo oo ay uga qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay midnimada ku dadaalaan.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa xusay in dhallinyarada ay fursado badan uga bannaan yihiin dhanka kubadda cagta isagoo daneeyayaasha kala duwan ku boorriyay inay soo saaraan xirfadaha qarsoon ee ka jiro deegaannada hoose ee dalka.




