Ku xigeennada barasaabyada ismaamullada Kakamega iyo Machakos ee kala ah Ayub Savula iyo Francis Mwangangi Kilonzo ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ugu baaqay inay isugu yimaadaan miiska wada hadalka si looga gudbo xaaladda cakiran ee siyaasadeed.
Waxay ku taliyeen in xal loo helo sababaha keenay in mucaaradka ay guda galaan dibadbaxyada oo ay ka mid tahay qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Savula iyo Mwangangi ayaa madaxda ku boorriyay inay ka tanaasulaan mowqifyada adag ee ay qaateen oo ay qaranka u daneeyaan .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hoggaamiyaasha mucaaradka ay wacad ku mareen in Arbacada ay sii socon doonaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda halka madaxweyne William Ruto uu ku adkeysanaya in aanan marnaba heshiis siyaasadeed lala geli doonin koox uu ku tilmaamay inay carqaladeynaysa horumarka dhaqaale ee dalka.