DHAGEYSO:Dadweynaha oo loogu baaqay in xuska maalinta qaran ee halyeeyada ay si weyn ugu soo baxaan

0
202

Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka dalka ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay u diyaar garowga xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee sanadkan.
Dabbaal degga ugu wayn ee maalinka Mashujaa Day oo ah midkii 60-aad ayaa 20-ka bishan lagu qaban doonaa ismaamulka Kericho.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa indhaindheyn ku sameeyay fagaaraha Kericho Green Stadium oo uu xuskan ka qabsoomi doono.
Waxay kenyaanka ugu baaqeen gaar ahaan shacabka ismaamulka Kericho in ay si weyn maalinkaasi isugu soo baxaan.

Xuska maalinta halyeeyada ee sanadkan ayaa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.