DHAGEYSO:Cunno yari ku soo wajahan Marsabit

0
212

Maamulka qaran ee qaabilsan la tacaalidda musiibooyinka ee NDMA ayaa soo saaray digniin ah in cunno yari ay saameyn doonto shacabka ismaamulka Marsabit.
Waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatadan ay dowlad deegaankaasi soo wajahdo saddex bilood gudahooda.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday isku duwaha NDMA ee Marsabit Guyo Golicha.
Waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in ay kaydsadaan dalagyada uga soo go’ay beeraha.