DCI-da oo gacanta ku dhigtay saddex eedeeysane oo dhac ka geeysan jire Kirinyaga

0
440

Saraakiisha dambi baarista ee dalka ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dhac hubeysan oo ka dhacay magaalada Ngong, ka dib howlgal amni oo si wadajir ah loo fuliyay ismaamulka Kirinyaga.
Howlgalka ayaa la fuliyay habeenimadii xalay abaaro 1:04 aroornimo, ka dib xog sirdoon oo la helay, waxaana uu ka dhacay deegaannada Makutano iyo Ngomongo. Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb qaatay saraakiisha saldhigga booliiska ee Ngong, ciidanka dambi baarista iyo saraakiil ka socday bar kontoroolka booliiska ee Mwea iyo Makutano.
Saddexda la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Alex Wanjiku oo loo yaqaan Aleko, Job Wachira Wanjohi, iyo Francis Kinyanjui Wanjiku oo loo yaqaan Kinyaa. Waxaa la rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin dhac dhacay 12-kii bishii Maarso 2025, kaas oo uu qof ku dhaawacmay rasaas lagu dhuftay.
Intii howlgalka uu socday, mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu qabtay bastoolad nooca Glock 17 ah oo ay ku jirto 11 xabbadood oo rasaas ah. Sidoo kale waxaa la helay mooto la tuhunsan yahay in lagu baxsaday iyo dhar gaar ah oo la sheegay inay xirnaayeen xilligii falka la geysanayay.
Eedeysanayaashan ayaa haatan ku xiran saldhigga booliiska ee Ngong, iyadoo baaritaanno dheeraad ah ay socdaan. Laamaha amniga ayaa sidoo kale baaraya in ay ku lug leeyihiin falal kale oo dembiyeed, iyagoo shacabka ugu baaqay inay bixiyaan xog kasta oo ka caawin karta sugidda amniga iyo qabashada dambiilayaasha.