Waaxda baarista dambiyada ee DCI-da ayaa qabatay lix qof oo looga shakisan yahay qorshe lagu dhici rabay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dalka. Qorshahan ayaa waxaa ku lug lahaa xubno ka tirsan KDF-ta iyo shakhsiyaad rayid ah.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay DCI-da howlgalka ayaa ku saleysnaa xog sir ah oo la helay Isniintii taasoo muujinaysay in qorsha la fulin doono goor dhow. Tuugada ayaa la hoos keenay kormeer joogto ah iyadoo la dabagalay dhaqdhaqaaqyadooda iyo diyaar garowgooda ka hor inta aan weerarka dhicin.
Maalintii la fulin lahaa qorshaha dadka la qabtay ayaa gaaray deegaanka Kitengela iyagoo wata gaari nooca Toyota Harrier. Lixda qof ee la qabtay ayaa kala ah Charles Kiio Matata, sarkaal militari ah oo ka howlgalo xerada militariga ee Kahawa, David Ng’gaa Mwangangi, makaanik rayid ah oo xiriir la leh KDF-ta, Samuel Agango Odoyo, shaqaale ka tirsan ciidamada KDF-ta oo hadda ku jira xarig, Alex Mumo Kisilu, Richard Mwania Muasya, iyo Stella Nzuki Mweni. Waxaa ay haatan ku jiraan xabsiga iyaga oo la marsiinayo baaritaan dheeri ah iyo waraysi.
Baaritaanka goobta ayaa lagu helay alaabo ay booliiska rumeysan yihiin in loo diyaariyay dhaca, oo ay ku jiraan dhar militari, kabo militari, bir culus, fiilal, mindiyo, alwaax iyo taleefanno kala duwan. DCI-da ayaa sheegtay in baaritaanka uu socdo si loo ogaado baaxadda howlgalka kooxdan iyo xiriirka ay la leeyihiin dambiyo kale oo suurtagal ah.
Home Wararka Kenya DCI-da oo gacanta ku dhigtay 6 eedeeysane oo qorsheynaayay inay dhacaan sarkaal...




