Dad badan oo lagu dilay koonfurta dalka Suuriya

0
448

Ku dhawaad 15 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Sweida, oo ah deegaan ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla koonfurta Suuriya, kaas oo ay ku nool yihiin dadka laga tirada badan yahay ee Druze.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in iska horimaadka uu u dhaxeeyo rag hubeysan oo Druze ah iyo qowmiyadda Bedouin ee ku dhaqan deegaankaasi.
Qof ka howl gala cisbitaalka Süveyda oo xogta siinayay wakaalada, ayaa sheegay in meydadka 15 qof laga helay qolka meydadka.
Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 37 qof oo u badan Druze lagu dilay iska horimaadyada.
Ilaa iyo hadda lama oga dhimashada rasmiga ah ee dagaalkaas.