Hanti malaayiin shillin lagu qiyaasay ayaa gubatay ka dib markii dab uu xalay ka kacay saldhig gaas ah oo ku yaalla aaga Fourways ee waddada Kiambu, taasoo dhalisay cabsi iyo khasaare weyn.
Dabka oo qarxay abaare 10:15pm oo fiidnimo, ayaa si dhaqso ah ugu faafay saldhiga, gubay qeybaha xaruunta iyo hantidii ku dhoweed.
Barasaabka dowlad deegaanka Kiambu, Kimani Wamatangi, ayaa amar ku bixiyay in dhammaan gawaarida gurmadka ee ismaamulka ay si degdeg ah u tagaan goobta, iyadoo ugu yaraan saddex dab damis ay ka qayb qaateen xakamaynta dabka. Goob joogayaal ayaa sheegay in dabka uu ka bilaabmay shidaal laga gedinaayay gaariga shidaalka, in kastoo sababta rasmiga ah aysan weli la xaqiijin.
Kooxaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan la tacaalay dabka, oo khatar weyn ku ahaa kaabayaasha ku dhow iyo dadka isticmaala waddada Kiambu.
Dhanka kale, dab ka kacay xabsiga haweenka Lang’ata ayaa saameeyay guryaha shaqaalaha xabsiga, iyadoo qiyaastii 20 qoys la barakiciyay. Mas’uuliyiinta xabsiga ayaa xaqiijiyay in maxaabiista ay badbaadeen, waxaana weli lagu guda jiraa qiimeynta sababta dabka iyo baaxadda khasaaraha labada dhacdo.




