Dab ka kacay xaafadda Kangemi oo dhaliyay khasaaro ba’an

0
468

Dadka deggan xaafadda Kangemi ee magaalada Nairobi ayaa tirinayaa khasaaro ba’an oo soo gaaray ka dib markii xalay uu dhowr guri oo ku yaalla aagan qabsaday dab.
Dabka ayaa ka kacay waddada Marega ee aagga Bata, iyadoo kooxaha gurmadka degdega ah ay goobta gaareen markii lagu wargeliyay dhacdada.
Hay’adda Lanqeyrta Cas ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka lagu wargeliyay isla markaana loo diray goobta dabka. Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gubashada guri ka hor inta aan dabku si dhaqso ah ugu fidin guryaha kale ee aaga.
Warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamaya in dabkan uu u muuqdo inuu ka dhashay qarax gaas ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa toddobaadyo ka dib markii dadka deggan xaafadda Donholm ay ka carareen guryahooda ka dib markii dab ka dhashay qarax gaas uu ku kacay meel caan ah oo lagu cunteeyo.