Ciidamada dowladda dalka Syria ayaa ka baxaya magaalada Suwayda ee gobolka Koonfureed.
Tani ayaa qayb ka ah heshiis xabbad joojin ah oo lala gaaray bulshada laga tirada badan yahay ee Druze .
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Syria Axmad Al-Sharaa uu Israa’iil ku eedeyay in ay kala qaybsanaan ka dhex waddo dalkiisa oo ay doonaysa in ay huriso xiisad iyo qalalaase.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay kadib markii militariga Israa’iil uu duqeeyay bartamaha magaalada Dimishiq taasi oo uu ku micneeyay garab siinta bulshada Druze.




