Booliiska oo wali baadigoobaya Raphael Tuju

0
354

Booliska ayaa wali wada baaritaanno ku saabsan maqanaanshaha xoghayihii hore ee golaha wasiirada Raphael Tuju ka dib markii gaarigiisa laga helay xaafada Karen ee Nairobi.
Bayaan ay soo saareen, Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ayaa lagu sheegay in qoyskiisa ay soo wargaliyeen in Tuju uu maqan yahay.
Gaarigiisa ayaa markii dambe laga helay Miotoni Lane iyadoo nalalka ay u shidan yihiin, ka dib markii ilaalo ka tirsan hay’ad u dhow ay qaylo-dhaan soo saareen.
Goobta waxaa tagay ciidamada dambiyada u qaabilsan DCI, gaarigana waxaa loo jiiday Saldhigga Booliska ee Karen si baaritaan loogu sameeyo.
Si kastaba ha ahaatee, booliisku waxay xuseen dib u dhac ka dib markii isku daygii lagu doonayay in lagu galo guriga Tuju ee Mwitu Drive ay diideen qoyskiisa, iyagoo ku boorriyay iskaashi buuxa si loo taageero xallinta degdegga ah ee kiiskan.
Tuju iyo darawalkiisa ayaa la sheegay in la waayay sabtidii.
Qosykiisa oo hadlay maanta ayaa sheegay in wax xariir ah aysan ka hayn Raphael Tuju iyo darawalkiisa.