Bomet, Homa Bay iyo Kirinyaga oo ka mid ah ismaamullada ay ka jirto shaqaaleysiinta aan sinayn ee xad-dhaafka ah

0
33

Warbixin cusub oo uu soo saaray Aqalka Senate-ka ayaa muujisay in sinnaan la’aanta qabiilka ay si weyn uga jirto shaqaaleysiinta dowladaha hoose, taasoo ka dhigeysa in dadka ka soo jeeda bulshooyinka tirada yar ay fursad yar u helaan shaqaalaysiinta.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in nidaamka dowlad qaybsiga oo loogu talagalay in shaqooyinka dowladda lagu gaarsiiyo dad badan, uu dhab ahaantii xoojiyay kala sooca qabiilada ee qaar ka mid ah ismaamullada.
Dowlad deegaannada Bomet, Homa Bay, Samburu, Elgeyo Marakwet, iyo Kirinyaga ayaa ugu badan, iyadoo shaqaalaha ismaamulladaaas ay ku dhawaad gebi ahaanba ka kooban yihiin dadka ka soo jeeda qabiilka ugu xooggan. Tusaale ahaan, ismaamulka Bomet 97.28 shaqaalaha ayaa ka soo jeeda beesha Kalenjin, Homa Bay 96.98 ayaa ka soo jeeda qabiilka Luo, Samburu oo ay u badan yihiin bulshooyinka Samburu ayaa waxaa dowladda ismaamulkaas u shaqeeya 96.65 dad ka soo jeeda beeshaas, ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa waxaa ka shaqeeya 96.22 ka soo jeeda beesha Kalenjin halka dowlad deegaanka Kirinyaga 96 boqolkiiba dad ka soo jeeda beesha Kikuyu.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 12 ismaamul ay ku guuldareysteen inay raacaan sharciga dhigaya in ugu yaraan boqolkiiba 30 boosaska bilowga shaqooyinka la siiyo dadka ka baxsan qabiilka ugu badan ee dowlad deegaankaas. Kuwan ayaa waxaa ka mid ah Kwale, Kilifi, Mandheera, Machakos, Uasin Gishu, Gaarisa, Laikipia, Bungoma, Vihiga, Kisumu, Migori, iyo Kajiado.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay in xubnaha guddiyada fulinta ismaamullada iyo saraakiisha sare ee Elgeyo Marakwet, Kericho, Makueni, Nyandarua, iyo Vihiga ay ku dhawaad gebi ahaanba ka yimaadeen hal qabiil.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa muddo 13 sano ah si joogto ah u tilmaamay ku xadgudubka sharciga shaqaaleysiinta. Sidoo kale, warbixinta ayaa ka digtay in aan la ilaalin xuquuqda dadka naafada ah. 42 degmo ayaa ku guuldareystay inay ugu yaraan 5 boqolkiiba boosaska fulinta iyo saraakiisha sare u qoondeeyaan dadka naafada ah, iyadoo kaliya Lamu, Taita Taveta, Wajeer, Turkana, iyo Nandi ay sharcigan u hogaansameen.
Arrinta jinsiga ayaa sidoo kale ah meel kale oo laga gaabiyey. Kisumu, Kisii, Isiolo, Nyeri, Laikipia, Wajeer, iyo Embu ayaan hubin in aan in ka badan laba meelood meel xubnaha hay’adaha dowladda ka tirsan ay ka tirsan yihiin hal jinsi.