Barasaabyada oo wajahi doona ganaax iyo xarig haddii ay ka soo hor muuqan wayaan Guddiga CPAC

0
433

Aqalka Senate-ka ayaa si adag ugu digay guddoomiyeyaasha dowlad deegaannada ee ka maqnaada dhageysiga Guddiga Xisaabaadka Dadweynaha ee CPAC, iyagoo sheegay in haddii ay sii wadaan ka fogaanshaha ay wajahi doonaan ganaax ama xabsi. Tani ayaa timid ka dib markii dhowr barasaab ay Isniintii soo bandhigeen cudur daaro kala duwan oo ay ku jiraan xanuun, safar dibadda ah, howlo horey loo qorsheeyay, iyo “xaalado aan laga fursan karin”.
Barasaabyada Kisii, Kericho iyo Kakamega ayaa soo bandhigay cudurro iyo xaalado kala duwan oo ka hor istaagay ka soo qeybgalka, halka Joseph ole Lenku ee ismaamulka Kajiado uu sheegay inuu howlo dibadda ah ku mashquulsan yahay. Guddoomiyaha dowlad deegaanka Nyamira Amos Nyaribo ayaa ka soo qayb galay kulanka guddiga balse sheegtay xanuun taasoo si deg deg ah u joojisay shirka.
Guddiga, oo uu guddoominayo u yahay Senatarka Homa Bay Moses Kajwang’ ayaa go’aansaday in si rasmi ah loo woco guddoomiyeyaasha ka maqnaada kulamada. Ku noqoshada wicitaankan ayaa waxaa ka dhalan kara ganaax lacageed oo dhan 500,000 oo shillinka dalka ah, xarig, ama labadaba, iyadoo fulinta arrintan uu mas’uul ka yahay Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja. Arrintan ayaa ka dhalatay markii Golaha Guddoomiyeyaasha (CoG) uu go’aansaday inuu ka fogaado Guddiga Xisaabaadka Dadweynaha, isagoo soo bandhigay walaacyo la xiriira hab dhaqanka qaar ka mid ah xubnaha guddiga, oo ay ku jiraan cabsi gelin, hanjabaad, iyo weeraro siyaasadeed.