Guddoomiyaha ismaamulka Samburu, Jonathan Lati Lelelit, ayaa qorsheynaya inuu si rasmi ah dacwad ugu gudbiyo booliiska ka dib markii uu ku eedeeyay qaar ka mid ah Senatarrada inay weerar ku soo qaadeen, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha Barasaabyada ee CoG Axmed Cabdullahi.
Dhacdadan ayaa dhacday markii barasaabka uu booqday Baarlamaanka si uu ula kulmo hoggaanka Senate-ka, ka dib markii amar xiritaan laga soo saaray Guddiga Xisaabaadka Dadweynaha ee Senate-ka (CPAC) sababo la xiriira ka maqnaanshihiisa kulamada guddiga. Isku daygiisa inuu la kulmo hoggaanka Senate-ka ayaa fashilmay, taasoo ku qasabtay inuu ka baxo gudaha xaruunta barlamaanka, kadibna uu warbaahinta uga warbixiyo maqnaanshihiisa.
Barasaab Axmed Cabdullahi ayaa cambaareeyay dhaqanka senatarrada, isagoo tilmaamay in ficiladooda ay yihiin kuwo “aad u walaac badan” isla markaana qaar ka mid ah ay adeegsadeen aflagaado iyo eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn si looga leexiyo arrimaha la soo bandhigay.
Dhacdadan ayaa timid iyadoo xiisad sii kordheysa ay ka dhex jirto Barasaabyada iyo mudanayaasha Senate-ka oo ku saabsan kormeerka iyo isla xisaabtanka.
Home Wararka Kenya Barasaabka Samburu oo qorsheynaya inuu dacwad u gudbiyo booliiska ka dib weerar...




