Barasaabka dowlad deegaanka Mombasa ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga ODM, Cabdulswamad Nassir, ayaa diiday sheegashada ah in heshiiska wada shaqayneed ee u dhexeeya ODM iyo UDA uu si toos ah u dhammaaday. Waxaa uu sheegay in heshiisyada siyaasadeed aan lagu go’aamin karin taariikho keliya, balse ay tahay in lagu saleeyo danaha shacabka.
Nassir ayaa tilmaamay in aysan sax ahayn in la yiraahdo heshiis siyaasadeed wuu burayaa marka sanadguuradiisu timaado. Waxaa uu xusay in heshiisyada noocan ah loo sameeyo in ay u adeegaan bulshada, isla markaana ay la jaanqaadaan xaaladaha dalka iyo baahiyaha dadka.
Sida uu sheegay, wada shaqaynta labada xisbi ayaa loo dhisay si loo ilaaliyo xasilloonida dalka iyo in la abuuro wadahadal wax ku ool ah, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayay xiisado siyaasadeed iyo cadaadis dhaqaale. Ujeeddada ayaa ahayd in hoggaanka dalka diiradda saaro xal u helidda dhibaatooyinka saameeya shacabka waddanka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisa uu weli ku taagan yahay qiyamka dimuqraadiyadda, caddaaladda bulshada iyo horumar loo dhan yahay. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xisbiga uu mar walba qiimeyn doono heshiisyada siyaasadeed iyadoo la eegayo waxa ugu faa’iidada badan shacabka iyo xasilloonida dalka.




