Barasaabka Kisumu oo isku shaandheyn ku sameeyay saraakiisha sare ee waaxyaha

0
230

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa isku shaandheyn ku sameeyay saraakiisha sare ee waaxyaha dowlad deegaankaasi.
Tallaabadan ayuu sheegay in ay tahay mid lagu sii wanaajinaya bixinta adeegyada shacabka.
Tani ayaa horseedday in qaar ka mid ah saraakiisha loo dhiibay xilal cusub iyadoo kuwo kalena la dallacsiiyay ama loo daayay jagooyinkii ay hayeen.
Barasaabka ayaa bayaan uu soo saaray ku xusay in isku shaandheyntan ay xoojin doonto maamul wanaagga .
Paul Waweru oo ahaa sarkaalka sare ee waaxda maaliyadda ee Kisumu ayaa loo wareejiyay dhanka shirkadda horumarinta ee Lake Front Development Corporation oo dowlad deegaankaasi u qaabilsan sidii istaraatiijiyooyinka dhaqaale iyo kuwa deegaanka ay u noqon lahaayeen kuwo waara.
Benter Omollo oo qaabilsanaa adeegga dadweynaha waxaa laga dhigay sarkaalka sare ee guddiga dakhliga ee Kisumu.
Fredrick Osewe oo horay u hoggaaminayay waaxda tacliinta ayaa loo wareejiyay dhanka tamarta iyadoo Timothy Nyakwamba laga dhigay sarkaalka sare ee ganacsiga iyo dalxiiska ee ismaamulka Kisumu.