Baarlamaanka oo xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada su’aallo waydiiyay

0
205

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan xisaabaadka ee (PAC) ayaa xoghayaha joogtada ah ee waaxda badbaadinta bulshada ,Joseph Motari ka wareystay in la adeegsaday ugu yaraan 244 milyan oo shilin iyadoo aynan jirin dokumeenti arrinkan loo cuskan karo.
Mr. Motari ayaa ka soo hormuuqday guddiga uu hoggaamiyo John Mbadi oo golaha qaran ee xeer dejinta si magacaabid ah ugu biiray.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixinta xafiiska hanti dhowraha qaranka lagu sheegay in waaxda badbaadinta bulshada ay isticmaashay 244.9 milyan oo shilin oo agab lagu soo iibiyay.
Hon. Mbadi ayaa xoghayaha ka dalbaday inuu cadeeyo sababta aynan ugu hoggaansamin xeerarka degsan ee dastuuriga ah.
Mr. Motari ayaa guddiga xisaabaadka ee baarlamaanka u sheegay in lacagtan lagu qarash geliyay cunto,howlo caafimaad iyo darees shaqo.
Waxaa uu intaasi ku daray in agabka la soo iibiyay lagu wareejiyay xarumaha dhaqan celiska ee carruurta , meelaha lagu xananeeyo carruurta la soo badbaadiyay iyo goobaha farsamada.
Xoghayaha ayaa ugu dambeyn guddiga la wadaagay dokumeentiyada laga doonayay.