Baadariyaasha iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee Narok oo ku baaqay nabad iyadoo xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordheyso

0
1069

Hoggaamiyeyaasha kaniisadaha iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee Narok ayaa ku biiray Madaxweyne William Ruto iyagoo ku baaqay xabbad joojin u dhexeysa Maraykanka iyo dalalka Bariga Dhexe ka dib weerarro laga geestay Iiraan. Hoggaamiyeyaasha kaniisadaha, oo uu hor kacaayay baadari Francis Kamau ee kaniisadda Christian Outreach, ayaa muujiyay walaac ku saabsan in colaadda ka taagan dunida Carabta ay saameyn dhaqaale oo fog ku yeelan karto dalal soo koraya sida Kenya oo si weyn ugu tiirsan saliidda iyo badeecooyin kale oo muhiim ah oo ka yimaada gobolkaas.
Kamau ayaa ka digay in dagaal muddo dheer socda uu si toos ah u wiiqi karo dhaqaalaha dalka. Waxaa uu sidoo kale uga digay dadka Kenyaanka ah, gaar ahaan dhallinyarada, in baraha bulshada aan loo adeegsan kicinta xiisadaha, balse loo adeegsado faafinta nabadda, midnimada iyo isfahamka.
Dhanka kale, Andrew Mwangi oo ah agaasimaha shirkadda Narokline Services Limited ayaa isna ku baaqay degganaansho, isagoo xusay in Kenya ay ka soo dhoofsato gaadiid, shidaal iyo dhar ka yimaada Dubai, halka ay u dhoofiso wax soo saarka beeraha. Waxaa uu ka digay in qalalaasaha ka dhasha colaadda uu carqaladeyn karo ganacsiga, taasoo sababi karta kororka qiimaha gaadiidka iyo sare u kaca kharashaadka safarka, culaysna saari karta shacabka caadiga ah. Hoggaamiyeyaasha yaa sidoo kale ugu baaqeen dalalka waaweyn ee dhaqaalaha dunida inay farageliyaan si loo qaboojiyo xiisadda loogana hortago sii hurinta colaadda.