Dab xooggan ayaa ka kacay Dugsiga Sare ee Gabdhaha Ngao ee Ismaamulka Tana River fiidnimadii xalay taasoo ka dhacday mid ka mid ah hoyga ardayda. Dhacdadan ayaa la sheegay inay dhacday abaare 7:15 ee fiidnimo, xilli ay ardayda ku jireen casharrada fiidkii.
Mas’uul ka tirsan dowladda Tana River ayaa xaqiijiyay in dabka uu si degdeg ah ugu fiday gudaha hoyga, ka dib markii la maqlay jug culus oo ka dhalatay qaraxa. Ardayda ayaa markiiba dareemay olol ka baxaya dhismaha, taasoo keentay cabsi iyo kala carar kooban.
Dabka ayaa gubay sariiro, furaashyo iyo agabkii gaarka ahaa ee ardayda, ka hor inta aysan faragelin bulshada deegaanka iyo maamulka dugsiga oo ku dadaalay daminta dabka iyagoo adeegsanaya agabkii ay hayeen. Intaas ka dib, waxaa goobta gaaray kooxaha dab damiska iyo saraakiisha ammaanka oo ka qeyb qaatay xakameynta dabka iyo sugidda ammaanka.
Ma jirto wax dhimasho ah oo la soo wariyay, inkastoo arday yar ay soo gaareen dhaawacyo fudud oo lagu daweeyay isbitaalka Tarasaa ee hoos yimaada ismaamulka. Haatan, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa wada baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dabka, iyadoo sidoo kale la wado qiimeyn guud oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.




