Burburka diyaaraddii la waayay ee Malawi oo la helay

0
314

Waxaa lagu soo warramayaa in kooxda samatabixinta ee dalka Malawi ay heleen burburka diyaaraddii shalay subax la waayay ee la raadinayay.
Waxaa sidatan xaqiijiyay ilo wareedyo ka tirsan militariga dalkaasi.
Madaxweynaha wadanka Malawi Lazarus Chakwera ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in aynan jirin cid shilkaasi diyaaradeed ka badbaaday.
Waxaa uu xusay in diyaaradda ay ku dhex burburtay keyn.
Diyaaradda ayaa sidday madaxweyne ku xigeenka wadanka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada difaaca ee Malawi ay raadaarka ka baxday wax yar un ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Lilongwe.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Malawi ayaa lagu sheegay in qorshuhu uu ahaa in diyaaradda ay ku degto gagida caalamiga ee Mzuzu International Airport oo ku taalla dhanka Waqooyi ee wadankaasi.
Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa horay u amray in la xoojiyo dadaallada lagu raadinaya diyaaradda oo ugu dambeyn burburkeeda la helay.
Chakwera ayaa baajiyay safar xalay fiidkii lagu waday inuu ugu ambabaxo dalka Bahamas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here