Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee Kenya kala dhexeeya Congo

0
204

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo Congo ay wadaagaan xiriir dibloomaasiyadeed oo wanaagsan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay sare u qaadday isdhexgalka labada shacab oo ay xoojisay iskaashiga dhanka ganacsiga iyo dhaqanka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu kulan sagootin ah la qaatay danjiraha Congo ee Kenya Ambasadoor Jean Pierre Ossey oo uu soo idlaatay muddo xileedkiisi safiirnimo.
Madaxweynaha ayaa danjiraha ku bogaadiyay dadaalkii uu ku bixiyay xoojinta xiriirka labada waddan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here