Diyaarad sidday madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la raadinaya

0
270

Waxaa sare loo sii qaaday howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya diyaarad sidday madaxweyne ku xigeenka wadanka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale.
Diyaaradda ayaa la waayay shalay subax.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda oo ay leeyihiin ciidamada difaaca ee Malawi ay raadaarka ka baxday wax yar un ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Lilongwe.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Malawi ayaa lagu sheegay in qorshuhu uu ahaa in diyaaradda ay ku dego gagida caalamiga ee Mzuzu International Airport oo ku taalla dhanka Waqooyi ee wadankaasi.
Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa amray in la xoojiyo dadaallada lagu raadinaya diyaaradda .
Chakwera ayaa baajiyay safar xalay fiidkii lagu waday inuu ugu ambabaxo dalka Bahamas.
Waxaa uu xafiiskiisa sheegay in dadweynaha macluumaad dheeraad ah lala wadaagi doono marka la xaqiijiyo warbixinnada soo baxa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here