DHAGEYSO:Aisha Jumwa oo madaxda Xeebta ugu baaqday in ay qadariyaan madaxweynaha

0
158

Wasiiradda wasaaradda jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanka iyo hiddaha Aisha Jumwa Katana ayaa siyaasiyiinta ismaamullada gobolka Xeebta ugu baaqday in ay madaxweynaha dalka William Ruto qadariyaan xita iyagoo ka falcelinaya arrinta qaadka Mogokaa.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha oo la kulmay hoggaamiyaasha Embu uu sheegay in ilaa 500 oo milyan oo shilin loo qoondeynaya kobcinta wax soo saarka dhanka qaadka laga mamnuucay ismaamullada Mombasa, Kilifi iyo Taita Taveta.
Waxay ku celcelisay in marka laga soo tago qoraallo soo baxay in hoggaamiyaha dalka uunan si fagaare ah uga soo horjeedsan mamnuucidda qaadka Mogokaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here