6 qof oo loo haysto fal dhac ah oo xabsiga ku sii jiri doono maalmo dheeraad ah

0
120

Waxaa afar cishe oo dheeraad ah xabsiga ku sii jiri doono 6 eedeysanayaal oo 4 ka mid ah ay yihiin ciidamada booliiska.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in xisaabiye lagu magacaabo Peter Owino ay ka dhaceen ilaa 2 milyan oo shilin.
Falkan ayaa laga soo tabiyay xaafadda Utawala ee ismaamulka Nairobi.
Garsoore Geoffrey Onsarigo ayaa ciidamada ammaanka siiyay afar cishe oo ay baaritaannada ku soo gabagabeynayaan.
Waxaa uu xaakinka diiday codsigii waaxda dacwad oogidda ee ahaa in tuhmanayaasha ay xabsiga ku sii jiraan muddo 14 cishe ah.
Garsooraha ayaa amray in afarta sarkaal ee eedeysanayaasha ah lagu hayo saldhigga booliiska ee Kayole halka labada rayidka ahna la geeyay saldhigga booliiska ee Ruai .
Shakhsiyaadkan ayaa la qabtay maalinkii Khamiista ee toddobaadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here