Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ansixiyay xabbad joojin ka dhaqan galaysa Qaza

0
119

Golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee UNSC ayaa u codeeyay oo ansixiyay xabbad joojin degdeg ah oo ka dhaqan galaysa Qaza.
Hasa ahaate, waxaa su’aallo la gelinaya qaabka uu qaraarkan ku dhaqangeli karo.
Wakiilka Israa’iil ku matasho qaramada midoobay ,Gilad Erdan ayaa sheegtay in aynan diyaar u ahayn ka qayb galka wada xaajoodyo ay ku tilmaantay kuwo aan micno lahayn oo ay ku xadgudbi karta Xamaas.
Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada wada xaajoodyo dadban oo lagu dhaqangelinaya qaraarka ka soo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,124 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhawaacay 84,712 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here