Dowladda Kenya oo beenisay dhaliilaha uga yimid xafiiska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta

0
144

Afhayeenka dowladda dhexe, Issac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay dhaliilaha dowladda uga yimid xafiiska madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in xafiiskaasi la siiyay 14 baabuur ah oo la dayactiro sidoo kalena ay madaxtooyada shidaalka ku shubto.
Issac Mwaura ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Uhuru Kenyatta uu adeegsado xafiis loo iibiyay oo qalabeysan oo ay ka howlgalaan 33 shaqaale.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay hadalkii agaasimaha isgaarsiinta ee Uhuru Kenyatta , Kanze Dena ee ahaa in ay isticmaalayaan baabuur duug ah.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xeerarka dastuuriga ah sida in madaxweynaha xafiiska baneeyay uu helo mushaarkiisa howlgabnimada , tasiilaadka xafiiseed ee uu u baahan yahay , gunnooyinka iyo maalgelinta safarradiisa maxalliga iyo kuwa dibadda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here