DHAGEYSO:Wasiir Fartaag “ATMIS haddii ay dalka ka baxdo ciidamadii beddeli lahaa waa diyaarsan yihin”

0
499

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidankii beddeli lahaa kuwa howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ee la filayo in dhammaadka sanadkan dalka Soomaaliya isaga baxaan.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay haatan ku filan yihiin la wareegida amniga guud ee dalka, islamarkaana aysan jirin wax shaki ah oo arrintaasi laga qabo.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidanka ATMIS ay horay uga baxeen meelo ka mid ah gobollada Soomaaliyada sida Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbaland, islamarkaana amniga meelahaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Hadalkan ka soo yeeray wasiirka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo bisha soo socota dhexdeeda la filayo in wadanka Soomaalioya ay isaga baxaan afar kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS, islamarkaana dhamaadka sanadkaan qorshuhu yahay in ATMIS ay isaga baxdo guud ahaan dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here