DHAGEYSO:Askar maragfur ahaan loo geeyay maxkamadda oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii tuhun soo galay

0
366

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiisatay kiis ay maxkamad horraan xukun uga soo saartay.
Kiiskan ayaa ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafaadda Dab-demiska ee gobolka Banaadir.
Waxaa kiiskan eedeysane ka ah Mowliid Maxamad Axmad oo ka tirsan ciiidanka booliiska Soomaaliya.
Mowliid ayaa ku eedeysan dilka Marxuum Daahir Cabdi Axmad oo dhacay 20-kii bishii Koowaad ee sanadkan.
Kiiskan ayay horraan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya go’aan uga soo saartay, iyadoo Mowliid ku xukuntay 5 sano oo xabsi ah iyo bixinta magta Marxuum Daahir Cabdi.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa xeer ilaalinta weydiiyay sababaha keenay racfaan qaadashada.

Xeer ilaalinta ayaa dhankeeda sharraxday sababaha keenay in kiiskan racfaan laga qaato.

Dhanka kale, eedeysane Mowliid ayaa maxkamadda ka hor sharraxay sida ay wax u dhaceen.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa amray in la xiro dhammaan askartii ku sugnayd goobta uu dilka ka dhacay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here