Dowladda hoose ee Nairobi oo war ka soo saartay canshuurta dhulka ee aan la bixin

0
291

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa ku hanjabtay in ay xaraashi doonto hantida dhuleed ee aan laga bixin canshuurta.
Tani ayaa saameynaysa kumanaan dhulal ah.
Maamulka uu hoggaamiyo barasaabka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in haddii milkiilayaasha dhulalkan aynan bixin canshuurta laga doonaya, in lagala wareegi doono.
Dhulalkan ayaa ku yaalla deegaan baarlamaneedyada kala ah Westlands, Starehe, Ruaraka, Roysambu, Mathare, Makadara, Langata, Kasarani, Kibra, Embakasi West, Embakasi South, Embakasi North, Embakasi East, Embakasi Central, Dagoretti South iyo Dagoretti North.
Sarkaalka sare ee waaxda maareynta dakhliga ee ismaamulka Nairobi ,Wilson Gakuya ayaa sheegay in haddii milkiilayaasha dhulalka ay bixin lahaayeen canshuurta looga baahan yahay in sanadkiiba la heli lahaa dakhli ah in ka badan 30 bilyan oo shilin.
Gakuya ayaa intaasi ku daray in sababaha aynan milkiilayaasha sidan u sameyn ay ka mid tahay in maxkamadaha ay hor yaallaan dacwado ku saabsan dhulalkooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here