Madaxweynaha dalka oo daahfuray nidaamka qorsheynta Nairobi

0
403

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa daahfuray qorsho lagu nidaamin doono howlaha gaadiidka ee caasimadda wadanka ee Nairobi sidoo kalena lagu xallinaya caqabadaha dhanka dhaqaalaha ee ka jira.
Nidaamkan ayaa loo yaqaana Kenya Urban Mobility and Growth Threshold Programme.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhaqangelinta barnaamijkan ay ka faa’iidaan in ka badan 4.3 milyan oo qof.
William Ruto ayaa xusay in barnaamijkan uu ku saleysan yahay sidii natiijo loo heli lahaa oo kenyaanka loogu furi lahaa fursado dheeraad ah.
Madaxweynaha ayaa magaalada Washington, DC ka sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay iskaashiga sii kordhaya ee dalalka Kenya iyo Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here