Dowladda oo soo saartay 1.5 bilyan oo la siinaya qaybaha nugul ee bulshada

0
226

Dowladda dhexe gaar ahaan waaxda jinsiyadda iyo awoodsiinta ayaa soo saartay 1.5 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay barnaamijyada horumarinta qaybaha nugul ee bulshada ee dhammaan ismaamullada wadanka.
Sida ku qeexan xeerarka sanduuqa qaran ee awoodsiinta ee NGAAF, lacagahan ayaa qarashaadka waxbarasho looga bixinaya ardayda ka soo jeedo qoysaska saboolka ah.
273 milyan oo shilin oo dhaqaalahan ka mid ah ayaa loo qoondeeyay in lagu taageero 25,000 oo arday ah.
Sidoo kale, 413 milyan waxaa lagu taageeraya 2,000 oo ah kooxaha awoodsiinta ee diiwaangashan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday xoghayaha waaxda jinsiyadda iyo awoodsiinta ee dalka Anne Wang’ombe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here