Kenya iyo Maraykanka oo saxiixday heshiis lagu casriyeynaya adeegga qaran ee booliiska

0
223

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa wada gaaray heshiis la doonayo in howlaha adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo qalabka uu adeegsado looga dhigo kuwo casri ah.
Is-afgaradkan ayaa ku kacaya qiimo lacageed oo dhan 930 milyan oo shilin.
Waxaa uu si gaar ah diiradda u saari doonaa horumarinta shaqaalaha iyo tababarrada ay u baahan yihiin.
Tani ayaa qayb ka ah iskaashiga 60 sano ka dhexeeyay Kenya iyo Maraykanka.
Sidoo kale , Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu Kenya ku taageeraya 4.9 milyan oo doollar una dhiganta 650 milyan oo shilin oo loo adeegsan doono la tacaalidda dembiyada abaabulan ee ka gudba xuduudda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here