DHAGEYSO:Barasaabka Mombasa oo mamnuucay in dowlad deegaankaasi la soo geliyo qaadka Mogokaa

0
180

Guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa saxiixay amarka golaha fulinta ee mamnuucaya in dowlad deegaankaasi la soo geliyo , lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee loo yaqaano Mogokaa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay isku dayeen wada hadallo loogu hoggaansamaya xeerarka degsan ee lagula tacaalo maandooriyaha balse la iska indha tiraya ilaalinta nidaamyada jira.
Barasaabka ayaa go’aanka qaatay ka dib cabasho ay muujiyeen hoggaamiyaasha siyaasadeed, madaxda diimeed iyo shakhsiyaadka sameeya ololaha ka dhanka ah balwadda kuwaasi oo ku baaqay in wax laga qabto dhibaatada uu qaadka ku haya dhallinyarada.
Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa xusay in baaritaano laga sameeyay xarumaha dhaqan celinta lagu ogaaday in da’yar badan uu saameyn ba’an ku yeeshay qaadka.
Waxaa uu xusay in maaddooyinka ku jira qaadka Mogokaa ay waxyeello badan u gaystaan qofka isticmaala.
Barasaabka ayaa amar ku bixiyay in darawalkii lagu arko isagoo sida qaadkan gudaha Mombasa in laga qaado tallaabo sharciyeed.

Waxaa amarka uu bixiyay barasaabka Mombasa soo dhaweeyay Amina Cabdalla oo ah madaxa shirkadda daryeesha bukaannada qabo xanuunnada maskaxeed ee Mombasa Women Network iyo agaasimaha guud ee xarunta dhaqancelinta ee Reachout Centre Trust Taib Cabduraxmaan.

Xoghayaha Guud ee golaha waxgaradka Mombasa, Mbwana Cabdallaha oo bogaadiyay tallaabada uu qaaday Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa barasaabyada ismaamullada kale ee gobolka Xeebta iyo si guud dalka ugu baaqay in ay dhaqangeliyaan amar kani la mid ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here