Gabadh 18 sano jir ahayd oo isku dishay Kisumu

0
188

Ciidamada booliiska ee magaalada Muhoroni ee ismaamulka Kisumu ayaa baaraya sababta keentay in gabadh 18 sano jir ahayd ay nafteeda uga takhalustay tuulada Biafra .
Christine Anyango ayaa is ceejisay abaare 4-tii galabnimo ee shalay.
Qoysaska dariska la ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen meydka gabadha oo ka soo laallaada saqafka gurigooda.
Waxaa isla markiiba arrintan lagu wargeliyay ciidamada booliiska oo goobta yimid iyagoo maydka halkaasi ka furay kadibna geeyay goobta meydadka la dhigo .
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Christine Anyango ku dhalisay in ay is disho sidoo kalena lama hayo wax qoraal ah oo ay ka tagtay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here