Rag gabadh faraxumeeyay oo la xiray 30 sano

0
235

Waxaa xukun xabsi oo 30 sano ah lagu xukumay afar rag ah oo loo haystay inay kufsi wadareed kula kaceen gabadh ay da’deedu tahay 14 sano.
Xadgudubkan ayay ka gaysteen aagga Laini Saba ee deegaanka Kibera ee Nairobi.
Xukmanayaasha ayaa kala ah Emmanuel Mutemi, Kennedy Irungu, Peter Mwaura iyo Ben Thuo.
Waxay faraxumeynta gaysteen sanadkii 2022-dii.
Garsooraha sare ee maxkamadda Kibera, Zainab Cabdul ayaa sheegtay in waaxda dacwad oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo aan shaki la gelin karin iyadoo 9 qof oo marqaati ah ay ka hadleen tacaddiga dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here