DHAGEYSO:2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Bomet

0
172

Waxaa la xaqiijiyay in labo qof ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay ismaamulka Bomet.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in shilka uu ka dhacay aagga Chebole ee waddada wayn ee u dhexeysa Bomet iyo Kaplong.
Labada qof ee dhintay ayaa ahaa wadihii mootada iyo rakaabkii uu siday.
Waxaa mootada jiiray baabuur xamuul oo ku wajahnaa Bomet.
Maydadka labada qof ee shilka ku geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka guud ee Longisa Referral Hospital .
Dhanka kale labo qof ayaa ku dhaawacmay shil kale oo maanta ka dhacay waddada u dhexeysa Mombasa iyo Malindi.
Goobjoogayaasha shilkaasi ayaa warbaahinta la wadaagay sida ay wax u dhaceen waxayna dowladda ka codsadeen in ay waddadaasi ballaariso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here