Maxkamadda oo hor istaagtay doorashooyinka shaqaalaha garsoorka

0
178

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar lagu hor istaagaya in ay qabsoonto doorashada ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda garsoorka ee wadanka.
Xannibaaddan ayaa shaqeyn doonto ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo go’aan laga soo saaraya dacwad maxkamadda loo gudbiyay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in doorashada ay dhacdo 25-ka bishan Shanaad ee May.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa dhinacyada ay dacwadda khuseyso ku amray in ay doodahooda soo gudbiyaan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in go’aanka maxkamadda uu noqonaya mid caddeymo ku saleysan.
Waxaa maxkamadda sare dacwadda u gudbiyay Vincent Gikunda, Oscar Soi, Frank Megiri iyo Linet Murugi oo ku doodaya in musharraxiin u qalma in ay tartamaan loo diiday ka qaybgalka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here