Gabadh ganacsato ahayd oo xalay lagu dilay magaalada Liboi ee Dadaab

0
447

Wararka naga soo gaaraya magaalada Liboi ee deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe magaaladaasi lagu dilay Alle ha u naxariistee gabadh lagu magacaabi jiray Marwo Dhaqane Saalax oo ka mid ahayd ganacsatada Liboi.
Gabadha dilka loo gaystay oo dhallinyaro ahayd ayaa maqaaxi ku lahayd bartamaha magaalada.
Dadweynaha Liboi oo sheegay in gabadha si wayn looga yaqaanay magaalada ayaa cambaareeyay falka dilka ah ee loo gaystay.
Rag hubaysan oo indhaha soo xirtay ayaa la sheegay in ay xalay abbaare kowdii habeennimo xaafadeeda ku dileen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay madaxa uga dhufteen risaas badan oo ayna isla goobta ku geeriyootay.
Lama oga sababta loo dilay iyo cidii falkaasi ka dambeysay.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wado baaritaano ku aaddan dilka xalay ka dhacay Liboi oo argagax ku beeray shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here