Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin oo sheegtay in la dilay 29 sarkaal

0
231

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda duqeymaha Israa’iil ay uga dhinteen howlwadeenno dhan 29.
Waxaa ugu dambeeyay qof si iskiis ah uga shaqeeya daryeelka maskaxeed.
Tirada dhimashada ee shaqaalaha Bisha Cas ee Falastiin ayaa la diiwaangeliyay tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Hay’adda PRCS ayaa u tacsiyadeysay qoyska uu ka baxay Najm Tabassi iyo xaaskiisa.
Sarkaalkan ayaa lagu dilay weerar lala eegtay hooygiisa oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Rafah.
PRCS ayaa xustay in 17 ka mid ah 29-ka howlwadeenno ee la dilay la bartilmaameedsaday xilli ay fulinayeen gargaar baniaadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here