Xildhibaan ka tirsanaa golaha wakiillada Koonfur Galbeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0
285

Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya lagu dilay Xildhibaan Ibraahin Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa gaystay dilka Xildhibaanka kuwaas oo qaybaha sare ee jirkiisa kaga dhuftay dhowr xabadood, taasoo keentay in Xildhibaanka uu ku geeriyoodo isla goobta.
Alle ha u naxariistee marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu magaalada Muqdisho u joogay howlo shaqo, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, isagoona sheegay in Xildhibaanka uu ka mid ahaa dadka doorka weyn ka soo qaatay nabadda, dowlad dhiska iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada reer Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here