Maraykanka oo sheegay in ay hub ku taageerayaan Ukraine

0
76

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dhigiisa Maraykanka Joe Biden uu ku wargeliyay in dhawaan hub lagu taageeri doono.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in aqalka sare ee xukuumadda Washington uu u codeeyo gargaar wayn oo uu Maraykanka u fidinaya Ukraine.
Golaha wakiillada ayaa horay caawimaaddan u soo meel mariyay.
Volodymyr Zelenskyy ayaa laga soo xigtay in Biden uu ballan qaaday in xukuumadda Kyiv si degdeg ah looga gargaari doono duullaanka militari ee Ruushka.
Dhanka kale saraakiisha Ukraine ayaa sheegaya in weerar dhanka cirka ah oo uu xalay Ruushka ka gaystay magaalada Koonfureed ee Odesa lagu dhaawacay 9 qof oo ay afar carruur yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here