2 booliis oo loo xiray inay hub iibiyeen

0
188

Waaxda qaran ee adeegga booliiska ee NPS ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay labo sarkaal oo booliis ah.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan in ay hub ka iibiyeen kooxaha gaysta falal dambiyeedyada.
Waxaa howlgalkaasi sidoo kale lagu soo helay 2,658 oo rasaas ah.
Saraakiisha la xiray ayaa ka tirsan waaxda la dagaallanka dhaca xoolaha ee xerada Sondu Camp .
NPS ayaa sheegtay in labada qof ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa iyo inta baaritaannada laga soo gabagabeynaya ka hor inta aan jimacada maxkamad la soo taagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here