Tirada dadkii ku dhintay Harada Baringo oo sii korortay

0
137

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay doontii ku degtay Harada Baringo.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada 7 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii kooxaha samatabixinta ku howlan ay soo saareen 6 meyd oo dheeraad ah.
Galinkii dambe ee Axadii ayay ahayd markii ay doonta degtay xilli ay ku wajahnayd jasiiradda Kokwa .
Waxaa ay sidday 23 arday oo dhigta dugsiga sare iyo 8 dhigta fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe oo xilligaasi ku wajahnaa ka qayb galka munaasabad kaniiseed.
Baaritaannada horudhaca ah ayaa muujinaya in doontu ay saarnaayeen rakaab ka badan intii loogu talagalay oo ah 8 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here