Ismaamullada uu ku badan yahay cudurka duumada oo la shaaciyay

0
184

Waxaa shaaca laga qaaday in ismaamullada Turkana, Kisumu, Migori iyo Siaya ay ka mid yihiin ismaamullada uu ku badan yahay xanuunka duumada ama malaariyada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in xuska maalinta caalamiga ee duumada ee sanadkan lagu qabto deegaanka Nyakach ee ismaamulka Kisumu.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 25-ka bisha Afaraad ee April.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhanka kale ismaamulka Homa Bay ku bogaadisay yareynta heerka duumada oo horay ahaa boqolkiiba 38 balse hadda ah boqolkiiba 3.
Wasaaradda ayaa sheegaysa in kastoo guulo laga gaaray la tacaalidda duumada haddana in ay weli jirto caqabad dhanka maalgelinta ah.
Qiimeyntii ugu dambeysay ee la sameeyay ayaa muujinaysa in cudurka duumada uu saameeeyo ilaa 4 milyan oo kenyaan ah oo ayna sanad kasta u dhintaan in ka badan 10,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here