Malaysia:10 qof oo ku dhintay diyaarado isku dhacay

0
103

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 10 ka mid ah shaqaalaha waaxda duullimaadka ee dalka Malaysia.
Tani ayaa timid ka dib markii ay saaka iyagoo hawada sare ku jira ay isku dhaceen labo diyaaradood kuwaasi oo burburay oo dhulka ku soo dhacay.
Diyaaradahan oo ah kuwa qummaatiga u kaca ee Helikobtarka ayaa waxaa leh waaxda ciidamada badaha ee Malaysia .
Qaybta badaha ee militariga dalkaasi ee The Royal Malaysian Navy ayaa bayaan ku sheegtay in labada diyaaradood ee shilka galay ay tababarro ka sameynayeen Waqooyiga magaalada Lumut oo ay ku taallo xarunta dhexe ee waaxdan.
7 ka mid ah shaqaalaha shilka ku nafwaayay ayaa saarnaa diyaaradda Agusta Westland AW139 halka saddexda kalena ay saarnaayeen diyaaradda labaad ee Eurocopter Fennec.
Waaxda badaha ee militariga Malaysia ayaa sheegtay in ay dhacdadaasi baaritaan ku sameynaysa si loo ogaado sababta keentay in diyaaradu ay isku dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here