Deeqbixiyeyaasha oo laga codsaday inay sii wadaan maalgelinta UNRWA

0
44

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Falastiin ayaa hay’adaha iyo dalalka deeqaha bixiya ku boorrisay in ay dib u soo celiyaan maalgelintii ay siin jireen hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan u gargaaridda qaxootiga Falastiin ee UNRWA .
Maalgelintan ayaa la joojiyay ka dib markii ay Israa’iil jeedisay eedeyn ah in qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addan ay taageeraan ururro argagixiso.
Hasa ahaate baaritaan madax bannaan oo lagu sameeyay hay’adda UNRWA ayaa lagu ogaaday in Israa’iil aynan caddeyn u soo bandhigin eedeynta.
UNRWA ayaa dhankeeda soo dhaweysay waxyaabaha ka soo baxay baaritaanka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay caddeyn u tahay in ay dejisay qaabab lagu xaqiijinaya u hoggaansanka mabda’ dhexdhexaadnnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here