Muqdisho: Meydadka nin iyo xaaskiisii hore oo maanta laga dhex helay gaari nooca aan xabadda karin

0
191
created by photogrid

Gaari nooca aanan xabadda karin oo ku xareysnaa Xero gaadiidka la dhigo oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dhex helay meydadka laba ruux.
Meydadka labada ruux ee gaariga laga dhex helay ayaa kala ahaa nin iyo xaaskiisii hore oo lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle. Labadan ruux ee maanta meydadkooda la helay ayaa la weysana saddexdii maalmood ee la soo dhaafay sida ay warbaahinta u sheegeen ehalladooda, lamana oga sababta ka dambeysa geeridooda.
Marxuum Abuukar Yuusuf ayaa la sheegay inuu darawal u ahaa Maxamad Subeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Cabdulqaadir Cabdulle oo ah Aabaha dhalay marxuumadda meydkeeda la helay ayaa sheegay inuu saddex cisho ka hor uu waayay gabadhiisa ayna raadinayeen, hayeeshee maanta lagu soo wargeliyay in meydka gabadhiisa iyo ninkii ay horay u kala tageen muddo laga joogo laba sano laga dhex helay gaariga.
Meydadka la helay ayaa haatan yaala xarunta CID-da oo baaris ku haysa sababaha ka dambeeya dilka labadan ruux, waxaana ehellada marxuumiinta ay dowladda Fedaraalka ka dalbadeen in cadaalad helaan.
Dhacdadan ayaa ah mid maanta si weyn looga hadal haayo magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ku soo badanayeen dhacdooyinka sidaan oo kale u aragagaxa badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here