Meydka taliyihii geeriyooday ee militariga dalka oo la aasi doono Axadda

0
174

Qoyska taliyihii guud ee ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ee geeriyooday Francis Omondi Ogolla ayaa sheegay in la aasi doono Axadda soo socoto.
Aaska ayaa sidii uu jeclaa ama ku dardaarmay ka dhici doono ismaamulka Siaya .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyaha uu dardaarankiisi ku xusay in marka uu geeriyoodo, meydkiisa la aaso 72 saacadood gudahooda.
Ilo wareedyo ka tirsan qoyska ayaa warbaahinta u sheegay in arrinkan lagu wargeliyay ciidamada militariga oo ayna ku dadaalayaan sidii aaska uu ugu qabsoomi lahaa muddo saddex cishe ah.
Xalay ayay ahayd markii meydadka General Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale oo shalay ku dhintay shilkii diyaaradeed ee ismaamulka Elgeyo Marakwet loo soo qaaday magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo u tacsiyadeeyay qoysaska ay ciidamadan ka baxeen ayaa dhanka kale shaaciyay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah oo maanta billaabatay waxaana hoos loo dhigay calanka dalka, midka militariga iyo kan jaaliyadda bariga Afrika.
Hoggaamiyaha dalka ayaa geerida Ogolla ku tilmaamay mid xanuun badan.
Magacyada saraakiisha kale ee shilka ku geeriyooday ayaa kala ah Swaleh Said, Duncan Keitan ,David Sawe, George Magondu oo duuliye ahaa , Sorah Maxamad, Hillary Butali, John Kinyua, Cliffonce Omondi, iyo Rose Nyawira.
Diyaaradda shilka gashay ee ay ku geeriyoodeen ayaa waxaa lahaa ciidamada hawada ee dalka ee Kenya Air Force iyadoo ay dhacdadaasi ku dhaawacmeen labo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here